Ku Saabsan Al-Huda Academy
Al-Huda Academy waa machad waxbarasho oo diimeed oo ku takhasusay barashada Quraanka Kariimka, far Barashada , iyo culuumta kale ee Islaamka. Machadkan waxa uu bixiya adeegyo waxbarasho oo online ah, iyadoo inta badan lagu qabto Zoom, si ardayda Soomaaliyeed iyo kuwo kale oo dunida ku kala sugan ay uga faa’idaystaan aqoonta. Al-Huda Academy waxay siisaa ardaydeeda fursad ay ku bartaan isla markaana ku horumariyaan xirfado muhiim ah oo ku saabsan dhaqanka iyo diinta Islaamka.
Hadafka & Himilada Al-Huda Academy
Hadafka:Hadafka Al-Huda Academy waa in la helo hay’ad waxbarasho oo sareysa oo ardayda u fududeysa inay bartaan Quraanka, fiqiga Islaamka, iyo culuumta kale ee diinta Islaamka iyadoo la isticmaalayo teknoolojiyada casriga ah si looga faa’ideysto ardayda Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada Islaamka.
Himilada:Himilada Al-Huda Academy waa in ay noqoto machad caalami ah oo dadka Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee doonaya inay bartaan diinta Islaamka ay helaan fursad waxbarasho oo tayo leh, iyadoo loo marayo habka online-ka.
